Ku saabsan Goobaal
Innagu Saabsan
Si ay gacan uga geysato xaqiijinta yoolka la higsanayo ee ah in shaqo lagu qanci karo ay helaan dhammaan
haweenka iyo ragga iyo si loo xaqiijiyo Yoolalka Horumarka Waara / the Sustainale Development Goals (SDG), ayaa
Ururka Shaqaalaha Adduunka/International Labour Organization (ILO) waxaa uu fulinayaa Mashruuca Iskaashiga
maamulka iyo Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay/the Public-Private Development Partnership (PPDP) ee Tababarka
Xirfadaha Tamarta Dib-loo-cusbooneysiin karo iyo Awood-siinta Dhaqaale ee Haweenka ee Soomaaliya oo ay
maalgelisey Hay’adda Caalamiga ah ee Iskaashiga Horumarinta ee Sweden / Swedish International Development
Cooperation Agency (SIDA).
Qaybta Awood-siinta Dhaqaale ee Haweenka/the Women’s Economic Empowerment (WEE) ee ka mid ah mashruuca
PPDP waxaa ay higsaneysaa in ganacsiyada kobca ee haweenku ay leeyihiin ay u saamaxaydo in ay ballaartaan
waxaana marka ay sidaa sameyneyso, ay abuureysaa shaqooyin, sii wanaajineysaa qiimaha iyo wax-soo-saarka
hawgalladooda waxaana ay qayb ka ahaaneysaa koboca bulsho-dhaqaale ee Soomaaliya.
Ganacsiyada haweenku leeyihiin/hoggaamiyaan ee ay muuqashadoodu yar tahay, ayaa marka laga soo tago
faa’iidooyin kale oo ay u leedahay, muuqashadooda lagu sii wanaajin karaa agabyo suuq-geynta istiraatiijiga ah sida
diiwaannada cinwaannada ganacsiyadu ku qoran yihiin. Qaar badan oo ka mid ah ganacsiyada haweenku leeyihiin
ayaan joogitaan ku lahayn internet-ka.
Haweenka ganacsiyada leh ayaa halkaa ku weynaya fursad lagu baran lahaa oo
ay suuq ku heli lahaayeen oo waxaa ay ku guul-dareysanayaan in ay gaaraan macaamiisha oo si isa sii tareysa internetka
uga goobaya macluumaad iyo badeecooyin. Diiwaan internet-ka ku jira oo ay ku qoran yihiin cinwaannada
ganacsiyada ayaa wax looga qaban karaa nusqaanta kaga timid in aaney joogitaan ku lahayn internet-ka.
Iyada oo xaaladdu sidaa tahay, ayaa fikirka ah in la abuuro suuq ku shaqeeya internet-ka ama diiwaanka loogu
wanqaley Goobaal uu dhashey. Goobaal Online waa diiwaan ay ku qoran yihiin cinwaanada ganacsiyada oo
fududeeya in la helo oo waxna laga iibsado ganacisada ay leeyihiin haweenka. Diiwaanku waxaa uu ka kooban yahay
qoraallo sharaxaad ka bixinaya ganacsiyada. Qoraalladan faahfaahsan ayaa ganacsiyada ay leeyihiin haweenka
Soomaaliyeed u saamaxay in ay joogitaan ku yeeshaan internet-ka iyaga oo aan u baahan in ay sameystaan bar internet.
Qoraallada ganacisyada waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo macaamiisha gacan ka siinaya in ay helaan
ganacsiyada ay goobayaan iyaga oo ka dhex raadinaya diiwaan ay fududdahay in wax laga dhex baaro.
Diiwaanka Goobaal Online Directory waxaa uu ka dhashey baahi loo qabey in la sii wanaajiyo muuqashada iyo
joogitaan ku lahaanshaha internet-ka ee ganacsiyada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. Si ku saleysan baahidan,
ayaa Goobaal Online ay isku dayeysaa in ay ganacsiyada iyo macamiiishooda u fududeyso in midba midka kale uu
helo iyada oo taas loo marayo madal fudud oo hufan, taas oo keeneysa in labada dhinacba ay helaan wixii ay
rabeen.
Goobaal waxaa iska kaashanaya SIDA (oo deeq-bixiyaha ah), ILO (Diyaariyeyaasha) iyo SCCI (Milkiilayaashaiyo/ama maamulayaasha).
Faa’iidooyinka Goobaal.
Sii wanaajinta ka dhex muuqashada ganacsiga ee internet-ka
Marka aad ganacsigaaga ka baarto Hannaanka baarista ee internet-ka sida Google ama Bing, waxaa dhici karta in uu ganacsigaaga aad ka aragto liisas kale oo ka mid ah diiwaanno kale oo badan oo aadan marna iska qorin. Tani waxaa caadi ahaan u sabab ah in diiwaannada kale ay macluumaadkaaga la soo baxaan oo ayna geliyaan diiwaankooda. In lagugu liis-gareeyo diiwaanka ganacsiga ee Goobaal Online ayaa macnaheedu yahay in ganacsigaagu uu si toos ah uga soo muuqanayo liisaska diiwaano kale sidaana ay ku sii wanaagsanaaneyso joogtiaankaaga aad ku leedahay internet-ka.
Si fudud u ogaanshaha ganacsigaaga
Marka macluumaadka ganacsigaaga oo faahfaahsan aad geliso Goobaal Online, waxa aad kordhineysaa fursadaha in ganacsigaagu uu ka soo dhex muuqdo marka ay macaamiishu ka dhex baaraan badeecado iyo adeegyo sida kuwaaga oo kale ah, xataa haddii aaney si dhab ah oo toos ah u qorin magaca ganacsigaaga. Tani ayaa gaar ahaan ah mid faa’iido badan maaddaama macaamiisha badidoodu marka ay goobayaan adeeg ama badeeco aaney baarin magaca ganacsiga.
Abuurista muuqashada summadda ganacsigaaga
Marka macaamiishu wax ka dhex baaraan Goobaal Online, hannaanka ayaa taxaya ganacsiyo noocyadoodu isku dhow yihiin, liiskaas oo ay la socdaan sawir kooban iyo macmluumaad faahfaahsan oo ku saabsan ganacsiga. Si ay wax intaa ka badan uga sii ogaadaan ganacisyada noocaas ah, ayaa macaamiishu waxaa ay mar walba gujin karaan liiska. H db id Hadba sida ay noqotaba, adeegsaduhu kuma khasbana in uu gujiyo ganacsigaaga. Si kasaba ha ahaatee, waa ay arki kareen magaca iyo faahfaahinta ganacsigaaga. Markasta oo adeegsadayaashu ganacsigaaga ka dhex arkaan liiska; waxaasii kordhineysa in summadda ganacsigaagu ay gasho xusuusta adeegsadayaasha/macaamiisha waxaana ay sii wanaajineysaa fursadaha ay ku daneyn karaan badeecaddaada/adeeggaaga.
Sii wanaajinta ka dhex muuqashadaada degaanka
Goobaal Online waxaa uu waxtarkiisu sii badan yahay haddii aad raadineyso in aad ka faa’iideysato ama aad beegsato bulshada degaankaaga.
Kaabista Istiraatiijiyada Sii-wanaajinta Hannaanka Wax-ka-dhex-raadinta Internet-ka (SEO Strategy)
Sii wanaajinta Hannaanka Wax-ka-dhex-raadinta Internet-ku waa tab waxyaabaha aad gelineyso bartaada internet-ka aad u sameyneyso si hannaanka wax-ka-dhexraadinta internet-ku uu ugu arko in uu yahay waxa la raadinayo oo uuna meel sare ka soo geliyo natiijooyinka waxa la raadinayo. Diiwaanka ganacsi ee Goobaal Online waa mid ka mid ah waxyaabaha aad ku xoojin karto istiraatiijiyada aad haddaba leedahay, taas oo keeneysa in ay aaminaan barnaamijyada wax-ka-dhex-raadinta internet-ka sida Google iyo Bing.
Liiska Google oo Xagga Sare laga galo
SEO waa qaab wanaagsan oo aad u adeegsan karto in ganacsigaagu uu ka soo muuqdo bogga koowaad ee Google, laakiin waxaa ay qaadan kartaa ilaa lix bilood si aad natiijadaa u gaadho. Google ayaa macluumaadka ku jira diiwaannada ganacsi ee Internet-ka u aragta in ay yihiin kuwo qiimo leh oo la aamin karo. Bogga ugu horreeya natiijooyinka ayaa badanaa laga helaa natiijooyinka diiwaannada ganacsi ee internet-ka. Haddii aad iska diiwaangeliso diiwaanka ganacsiga ee Goobaal Online, waxaa ganacsigaagu heli karaa fursad weyn oo uu kaga faa’iideysto SEOgeenna aadka u sarreeya, sidaana waxaa uu uga soo muuqanayaa bogga koowaad ee Google.